U bood dhigaalka

OGEYSIIS: Tababar muhiim ah iyo shaqo-abuur

Sheeko:Dalka

Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan Dhalinyarada Soomaaliyeed in Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Buruuj oo kaashanaya Hay’adda Hormuud Salaam Foundation iyo Shirkada Rikaab, uu bixin doono koorso la xiriirta barashada farsamada iyo wadista mootada Fekon-ka.
Ardaygii dhameeya tababarka waxaa loo balan-qaadayaa inuu helayo fursad shaqo, asagoo laga shaqaaleysiin doonaa shirkada Rikaab marka uu dhameysto koorsadda.
Xasuusnow in dadka la qaadanayo ay xididan yihiin, oo la diiwaan galin doonaa kaliya 200 arday.
Qiimaha koorsada lagu baran doono waa $50.
Haddaba, Isdiiwaangelintu waxay ka socotaa xaruunta Dugsiga Buruuj oo ku taalla zoonaha Cabdiqaasim, kasoo horjeedka mu’assasada Imaamu Shaafici, Degmada Hodan.
Si aad ula xiriirto xafiiska, wac 853767, 0613674585 ama 0618300073.