Ogow Kulanka U Dhaxeeya Xulalka Soomaaliya & Burundi

Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku balansan garoonka Asmara ee wadanka Eretrie,iyagoo wada dheelaya kulamadoodii 2-aad ee tartanka xulalka da’yarta bariga iyo bartamaha Afrika 2019 oo sanadkan ku qabsoomaya magaalada Asmara.

Xulka 15 Jirada dalkeena ayaa kulankii 1-aad la dheelay dhigooda Kenya waxayna ciyaartaas aheyd furitaanka tartanka xulalka 15-Jirada ee markii ugu horeesay ay qabtaan xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha qaarada Afrika,balse xidigaha dhallinyarada dalkeena ay guul daro 3-1 kasoo gaartay dhigooda Kenya.


Da’yarta 15 Jirada Burundi kulankii 1-aad iyagana waxa ay 2-1 kaga adkaadeen dhiigooda Eretrie oo sanadkan ah martigeliyaasha ciyaaraha da’yarada bariga iyo bartamaha Africa ee (Cecafa Under 15 2019).


“Diyaar ayaan u nahay in aan la ciyaarno dhigeena Burundi waxaa qaadanay tababaro kala gedisan,si aan xoogo u saarno in aan kulanka helno natiijo saraysa guul iyo guuldaraba shacabka Soomaaliyeed waxaana ka codsanaynaan in nala taageero” sidaas waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Anas Axmed Maxamuud oo ah kabtan xulka da’yarta Soomaaliya.


17-April 2018 Xulalka Soomaliya & Burundi oo magaalada Bujanbuura ee dalka Burundi kuwada dheelay tartanka 17Jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2018 waxa ay labada dhinaca ku heshiyeen natiijo barbaro ah.


Kulamada Kale Ee Kusoo Wajahan Xulka
Somalia vs sudan (Khamiis) -22-08-2019
Somali vs Eritrea (Sabti) -24-08-2019

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka-Cecaf Under 15 2019
Dalalka-Somalia VS Burundi
Tariikhda-18-08- 2019
Maalinta-Axad
Sacaada Kulanka-4:30pm
Garoonka-Asmara Satdium

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW