U bood dhigaalka

OLF Oo Sheegtay In Ciidamada Eritrea Ay Gummaad Ka Wadaan Gudaha Dalka Itoobiya

Sheeko:Amniga

Jabhadda xoreynta Oramada ee loo soo yaqaano OLF ayaa markale ugu baaqday beesha caalamka in laga saaro ciidamada Eritrea gobolada Oromia iyo Benishangul-Gumuz.

OLF ayaa sheegay in 30,000 oo askar Eritrea-yaan ah ay joogaan gobalada Oromia iyo Gumuz ee dalka Itoobiya kuwaas oo qeeyb ka ahaa dagaalkii tigreega.

Qoraalkeedii hore OLF ayaa waxa ay ku faahfaahisay xasuuqa shacabka ee loogu geeystay deeganada  Horro Guduru, Kellem Wollega, West Wollega, Guji, iyo Borana Zones ee gobolka Oromia iyo sidoo kale aagga Metekel ee gobolka Benishangul Gumuz.

Jabhadda ayaana xustay in ciidamada ay gummad ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobaladaaas .

Xilli ay horay dowladda Itoobiya u beenisay in ay gabood fallo ka geysatay gobalka Oromia ayaa jabhadda OLF sheegtay in ay heeyso cadeymo la taaban karo.

OLF ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay wax ka qabato ciidamada Eritrea ee ku sugan gudaha dalka Itoobiya .

Abiy Ahmed ayaa dowlada ay ka mid tahay Eritrea ayaa waxa ay kala qeeyb qaateen dagaaladii u dhaxeeyay qowmiyadda TPLF iyo xukuumaddiisa .

Goobjoog News