U bood dhigaalka

Ololaha Imaaraadka “Soomaaliyeed Dartaa” Oo Lagu Uruuriyay Lacag Dhan 165 Million oo Dirham.

Sheeko:Dalka

Lacag uruurin socotay 6 saac oo muwaadiniinta iyo dadka deggan Imaaraadka uga qeyb qaateen gargaarka Soomaaliya ayaa lagu uruuriyay deeq lacageed oo dhan 165 million oo Dirham.

Lacag uruurinta oo qeyb ka aheyd ololaha” Soomaaliyed Dartaa” waxaa si toos ah looga daawanayey inta badan Telefishinada iyo Idaacadaha dalka Imaaraadka si loo kaalmeeyo dadka abaaraha ku saameeyeen gudaha Soomaaliya ayaa lacagtaas lagu deeqay.

Dadka iyo hey’adaha Lacagta bixiyay waxaa ka mid ah: DHA oo ku deeqday Dhs2 million, the General Authority for Islamic Affairs and Endowments oo bixiyay Dhs1 million, Dr Hamdan Musallam Al Mazrouei oo ah madaxa hey’adda Bisha cas oo bixiyay Dhs1 million, benefactor Dhs1 million, VBS Group Dhs1 million, Saif Bin Darwish Al Ketbi oo  Dhs1 million

Saif Bin Darwish Al Ketbi oo bixiyay Dhs1 million, Umm Al Quwain Charity Association ayaa ku deeqday  Dhs300,000, Fujairah Charity Association waxaa ay bixisay Dhs500,000 iyo Hamad bin Suhail Al Khaili oo dhiibtay Dhs500,000.

Goobjoog News