U bood dhigaalka

Ololaha La Dagaalanka Cudurka Jadeecada Oo Ka Bilaabanaya Gobollada Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay gobollada dalka ka bilaabayaan guud ahaan la dagaalanka cudurka jadeecada, isla markaana shacabka looga baahan yahay inay carruurtooda talaalaan.

Fowsiyo Abiikar, Wasiirka Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu aad u sarreeyo cudurkaan, iyadoona maanta la daahfuray ololaha talaalka Jadeecada.

Wasiirka ayaa sheegtay inay Puntland horey uga bilaabeen  talaalkaan oo loogu talagalay inay ka faa’ideystaan 3 milyan oo carruur ah.

Somaliland ayay sheegtay inuu ka bilaaban doono 15-ka bishan, halka gobollada Koonfureedna maanta la daahfuray, isaga oo ka socon doono muddo Shan maalin ah.

“Waxaa la howlgeliyey 5 kun oo shaqaale oo ka shaqeynaya talaalka, 200 oo kormeere caafimaad ah, wuxuu socon doonaa 5 maalin, mana aha midkii joogtada ahaa ee waa ka hortag” ayay tiri Wasiiraddu.

Cudurka Jadeecada ayaa kamid ah cudurrada dilaaga ah, iyada oo kiiskiisu uu weli ku jiro gudaha dalka.

Goobjoog News