U bood dhigaalka

Olole Nadaafadeed Oo Ka Billawday Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Xaafadaha ay ka kooban tahay guud ahaan magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa xilligaan ka billawday olole nadaafadeed oo lagu doonayo in bilicda magaaladaasi dib loogu sooceliyo.

Waxaa ololahaan iska kaashanaya maamulka degmada Cadaado iyo sidoo kale ururada bulshada ee magaaladaasi.

Nuur Yarow Xeyle oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Cadaado oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in qashinka oo idil ka qaadi doonaan magaalada Cadaado, islamarkaana ay geyn doonaan duleedyada magaaladaasi, si halkaasi loogu soo gubo.

Waxa uu tilmaamay gudoomiye ku xigeenka inay ka shaqeynayaan quruxda magaalada Cadaado, islamarkaana ay haatan ka billaabeen meelo gaadiidka qashinka ay si qarsoodi ah ugu soo shubeen qashin badan.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa sheegay inay cagta marin doonaan dhammaan xaafadaha iyo wadooyinka waaweyn ee degmadaasi.

Degmada Cadaado waxay caasimad ku meel gaar ah u tahay maamulka Galmudug State, waxaana xilligaan degmadaasi ay tahay mid ay ka socdaa horumaro kala duwan.

Goobjoog News