U bood dhigaalka

Olole Nadaafeed oo Ka Biloowdey Degmada Warta Nabada ee Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Yaasiin Nuur CiiseBoqolaal dad ah oo iskaa wax u qabso ah iyo maamulka degmada Warta Nabada ayaa saakay bilaabay hawlo nadaafadeed oo degmadaasi laga fulinayo.

Guddoomiyaha degmadaasi Yaasiin Nuur Ciise ayaa Goobjoog u sheegey in hawshani ay ka qeybqaadanayaan dhamaan shanta waaxood ee ay degmada ka koobantahay .

Wuxuu sheegey in hawshani ay tahay mid joogto ah oo aanan waqti gaar ah ku xirneyn, wuxuu kale oo uu ka cawdey raadadkii ay reebeen roobabka oo meelaha qaar ay biyihii fariisteen, qashinkii la xaaqi lahaana dhulka ku nabay.

Mar uu ka hadlayay dadka shaqada haya ayuu sheegey in aysan jirin cid mushaar siisa, yihiin dad iyaga is xilqaamay oo degmadooda u adeegaya “Ganacsatada degmada waxaan ugu baaqayaa in in inta agtooda ah ay wax ka qabtaan, aniga waxaan qabaa in dadka masaakiinta ay ka niyad fiicanyihiin kuwa hantida leh, sababtoo ah dadka aanan waxbo heysanin waxa ay hurayaan xoogooda, laakiin dadka wax heysta hantidooda waa huri la’yihiin” ayuu yiri guddoomiyaha.

Magaalada Muqdisho waxaa loo maaro la’yahay qashinka, waxaana markasta la fuliyaa olole nadaafadeed oo aan joogto u socon, taasi oo keenta in qashinkii uu mar kale soo buuxsamo dariiqyada.

Dhageyso

Goobjoog News