U bood dhigaalka

ONLF Oo War Kasoo Saartay Dagaallada Soomaalida Iyo Oromada Ee Ka Socda Itoobiya

Sheeko:Amniga

Ururka ONLF ayaa war kasoo saaray dagaallo u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, kuwaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Bayaan kasoo baxay ururkan ayaa lagu sheegay iney aad uga xun yihiin dagaalladan, islamarkaana ka ONLF ahaan ay dalbanayaan in shacabka Labada dhinac lasoo kala dhexgalo.

Afhayeenka ururkan, Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka dalbadeen in la joojiyo dagaalladan oo xukuumaddiisu ay soo kala dhexgasho.

“Soomaalida iyo Oromada waa dad walaalo ah oo wadadhashay, markii ay is garabsan lahaayeen, is kaalmeen lahaayeen, heshiin lahaayeen, is anfici lahaayeen ma ahan iney dagaallamaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa ku eedeeyey dagaalladan iney ka shaqeynayaan xisbigii Tigreega ee hayey talada dalkaasi.

In ka badan 50 qof ayaa ku geeriyootey dagaal Labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay dhul ay wada deggan yihiin Soomaalida iyo Oromada kaasi oo ku yaalla dalka Itoobiya.

Goobjoog News