U bood dhigaalka

WHO Oo Kaalmo Daawo Ah Gaarsiisay Jowhar

Sheeko:Caafimaadka

Xubno ka socda hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdigani waxaa magaalada ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan Hirshabeelle, waxaana ay u socdeen arrimo la xiriira xagga caafimaadka.

Kaalmo daawo ah ayay gaarsiiyeen isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar oo maalmihii dambe la daalaadhacayay dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka.

Daawo ka kooban 20 kartoon oo ah daawada lagu la tacaalo cudurka shubanka ayay ku wareejiyeen maamulka isbitaalkaasi.

Maamulka Isbitaalka oo dhowaan hadal siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in caqabada isbitaalka heysto ay kamid tahay daawo yari dadka uu xannuunka soo ridanayona ay aad u sii kordhayaan.

Isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ayaa todobaadyadii la soo  dhaafay waxaa la dhigey dad ka badan labo boqol oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka  kuwaasoo qaarkoodna cudurkaasi ugu geeriyooday gudaha isbitaalkaasi.

Goobjoog News