U bood dhigaalka

Orad-Yahan Itoobiyaan Ah Oo Cambaareeyay Sida Loola Dhaqmo Oromada

Sheeko:Dalka

Feyisa Lilesa oo ah orod-yahan u dhashay dalka Itoobiya ayaa gacmaha is dhaafsaday markii uu orodka dhameeyay, arrintaas oo uu ka cabirayey sida loola dhaqmo dadka Oromada ah ee diiday siyaasadaha xukuumadda Itoobiya.

Wareysi uu bixiyay ciyaaraha kadib, Feyisa Lilesa  waxaa uu sheegay in uu aad u dhaliilsan yahay sida xukuumadda Adis Ababa ay ula dhaqanto dadka uu ka dhashay ee Oromada, qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya.

“Waan la ii dilayaa, ama la ii xirayaa haddii aan noqdo” ayuu sheegay, isagoo sidoo kale caddeeyay in qaraabadiisa ay ku jiraan xabsiyada dalkaasi.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in ay furan tahay in uu joogo dalka Brazil, in uu aado Kenya ama meel kale haddii uu helo fiiso.

Goobjoog News