U bood dhigaalka

Orodyahan Maryan Nuux Muse Oo Niyadda Ka Jabisay Soomaalida

Sheeko:Dalka

Maryan ayaa kaalinta ugu dambeysa ka gashay orodka gabdhaha ee 400 meters, arrintaas oo niyadjab iyo sumcad darro ay ku tilmaameen umadda Soomaaliyeed.

Gabadhan ayaa muddo laga waayey shaashadaha Teleshinka  ee tabinayey, iyadoo orodka dhameysay xili gabdhaha dhiggeeda ay nasanayeen oo goor hore dhameeyeen orodka.

Gabadhan ayaa 57naad ka gashay gabdho ciyaaraaytow 57 ahaa, waxaana arrinkaas ka xumaaday Soomaali badan oo rajo ka qabay in matalaad fiican la helo.

Baraha bulshada ayaa waashay, qaar taageersan oo ku tilmaamay qof ku dyasho mudan ku tilmaamay iyo qaar dhaleeceeyay oo weli dowladda ugu baaqay in la maxkamadeeyo guddiga madaxda ka ah ciyaaraha fudud ee Soomaaliya.

2012-kii, gabdhii u ordeysay Soomaaliya ciyaarihii London ee Samia Yusuf Omar, waxaa ay ku dhimatay Mediterranean-ka.

Goobjoog News