U bood dhigaalka

Pakistan iyo Ruush oo ku heshiiyay in ay taageeraan Taliban

Sheeko:Dalka

Dowladaha Ruushka iyo Pakistan ayaa wadahadal ay ka yeesheen xaaladda dalka Afgaanistan waxa lagu sheegay in loo baahana yahay in taageero la siiyo kooxda Taliban ee la wareegtay talada Afganistan.

Kulan oo ka dhacay Islamabad ayaa la isla qaatay in taageero buuxda loo muujiyo kooxda Taliban, balse waxaa walaac labada dhinacba ay ka muujiyeen in la siiyo aqoonsi buuxda hoggaamiyayaasha Taliban.

Waxaana la sheegay in inta laga xaqiijinayo cabashooyinka ay kamid ka yihiin xuquuqda Haweenka iyo dhisidda maamul loo dhan yahay hakad ay ku jiri doonto in la aqoonsado hoggaamiyayaasha la wareegay talada Afganistan.

Zamir Kabulov oo ah Ergayga Ruushka u qaabilsan Afganistaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa fadhiga ku matalayay Ruushka.

Kabulov ayaa shaaciyay in ay Moscow sii wadayso la shaqeynta Afgaanistaan balse aysan ku dagdageeynin aqoonsiga hoggaamiyayaasha Taliban.

Goobjooog News