U bood dhigaalka

Pentagon-ka Oo Ansixiyay In La Kor Dhiyo Ilaalada Capitol Hill

Sheeko:Amniga

Xoghayaha wasaaradda difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa oggolaaday codsi uga yimid booliska Capitol Hill kaas oo ku aadan in  la kordhiyo ilaalada xarunta  Congress-ka bisha May.

saraakiisha difaaca ayaa sheegay Talaadadii, in loo baahan yahay ciidama dheeri ah si looga hortago khatar waliba oo dhici karta .

“Tani waxay ka dhigan tahay dhimista ku dhowaad 50 boqolkiiba xoogagga taageerada hadda jira,” ayuu yiri Kirby.

“Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si qoto dheer loo eegay codsiga iyo ka dib markii si dhow loo tixgeliyay saameynta ay ku yeelan karto diyaargarowga.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Ciidamada Mareykanka ayaa aad u sii adkeeyay kadib Ammanka hareeraha Capitol tan markii ay rabshado ka geeysteen taagerayaasha Trump Jan. 6.

Maalintii Calema saarka Madaxweyne Biden ayeey aheyd markii Capitol Hill la geeyay 26,000 Askar ah, kuwaas oo sugayey ammaanka Caleema saarka.

Kirby wuxuu sheegay in saraakiisha difaaca ay la shaqeyn doonaan booliska Capitol maalmaha soo socda inta ay xaaladuhu ka dagayaan .

“Waxaan uga mahadcelineynaa Ciidanka Qaranka taageeradooda intii ay howlgalkaan socdeen, iyo sidoo kale dadaalada muuqda ee ay ka wadaan guud ahaan dalka ee lagula dagaallamayo cudurka COVID-19 ee faafa,” ayuu yiri Kirby

Afhayeen u hadlay ilaalada qaranka ee DC, Capt. Tinashe T. Machona, ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray talaadadii ka dib markii Kirby uu ku dhawaaqay in ilaalada qaranka ee DC “ay sii wadi doonaan la shaqeynta la-hawlgalayaasha hay’ada sharci fulinta rayidka ah” .

Booliska Capitol ayaa codsaday kordhinta usbuucii la soo dhaafay, iyagoon si cad u sheegin inta ay noqon doonto.

Hay’addu toddobaadyadii la soo dhaafay waxay raadineysay inay sii waddo ka qeyb qaadashada Ilaalada Qaranka, iyadoo tixraaceysa khataraha amni ee joogtada ah ee Golaha.

Ciidanka ilaalada ayaa waxay ka kooban yihiin ilaa 1,100 ka mid ah ilaalada D.C. ee qiyaastii 2,700 xubnood, oo lagu daray ciidamo ilaalo ah oo ay soo direen gudoomiyeyaasha si ay uga caawiyaan Degmada.

Dhammaan xubnaha ilaalada waxay hoos yimaadaan taliska Maj. Gen. William Walker, madaxa D.C. National Guard, inta ay ka qayb qaadanayaan howlgalka.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Sen. James M. Inhofe (Okla.), Oo ah sarkaal ka tirsan Jamhuuriga ee Guddiga Adeegyada Hubka ee Senate-ka, ayaa ugu yeeray codsiga Booliska Capitol ee kordhinta “wax laga xumaado.”

“Taasi ma ahan wixii ay ahayd inay noqdaan. Taasi maahan hadafkooda, ”ayuu yiri Inhofe.

Doodda ayaa timid iyadoo sharci-dajiyayaasha iyo saraakiisha amniga ay la legdamayaan sida caasimadda dalka looga dhigi lahaa meel ka ammaan badan rabshadaha mustaqbalka.

 

WQ/ Abdirahman Sabriye