U bood dhigaalka

Philippe Lazzarini “Soomaaliya Waa Rajada Kaliya ee Ka Jirta Adduunyada Sii Haligmeysa”

Philippe Lazzarini oo muddo dheer ahaa u qeybsanaha arrimaha bini’aadanimada ee hadda xilkiisa kasii dagaya ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi waxa uu si weyn ugu bogaadiyey horumarka dhinacyada badan leh ee ay Soomaaliya gaartay.

“Waxaa aad loogu soo dhawaaday in la helo nabad waarta” ayuu yiri Lazzarini oo shaqadiisa ay ahayd samatobixinta Soomaalida ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegey in magaalada Muqdisho ay aad isu badashay sanadihii lasoo dhaafey, horumar badana laga sameeyey dhinacyo kala duwan.

Waxa uu xitaa heer gaarsiiyey hadalkiisa in uu yiraahdo “Waa rajada kaliya ee ka jirta adduunyadan sii haligmeysa ee qalalaasaha badan uu ka jiro”.

Balse waxa uu caalamka xusuusisey in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay wax ka qabato arrimaha musuqmaasuqa iyo dhibaatada ka imanaysa kooxaha hubeysan oo halis ku ah amniga iyo jiritaanka Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa mas’uul kale usoo magacoowdey xilkiisa bishii lasoo dhaafay, kaasi oo aanan wali xilka la wareegin.

Goobjoog News