U bood dhigaalka

Prof.Afyare Cabdi “Fashilka Doorashada Waxaa Qaadanaya Madaxweyne Farmaajo”

Sheeko:Amniga

Prof Afyare Cabdi Cilmi oo ka mid ah aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in xaalka dalka uu marayo mar xalad aad u adag .

Afyare oo u maramay Goobjoog News  ayaa sheegay in natiijada ka soo baxday shirka dhuusamareeb aysan aheyn mid dadka soo maaliyeed ka farxisa.

“Natiijada Natiijo dadka soomaaliyeed ka Farxiso ma ahan , waxaa la filayay runtii in ay natiijo tan ka duwan la helo , oo maadama waqtiga uu gabagabo yahay dadka ay marka ay siyaasaddu ka dhaxeyso ay wax isku raacaan dabadeedna sidaas doorasho lagu aado”.

Aqoon yahan Afyare oo wareysi dhinacyo badan Siiyay GoobJoog News  ayaa sidoo kale sheegay in fashilka shirka dhuusamareeb 4 uu qaadan doono mada weynaha, waxa uuna yiri  “Fashilka Doorashada Waxaa Qaadanaya Madaxweyne Farmaajo”.

Sikastaba Dowladda waqtigeeda maanta ku egyahay ayaa ku guul dareeysatay in ay dalka doorasho ay ka qabato .