U bood dhigaalka

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Soo Jeediyey Afar Qodob oo Xal u ah Ismariwaaga Doorashada

Sheeko:Amniga

19 maalin ayaa ka hartay muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sidaas ay tahay waxaa fashilmay dhammaan jadwaladii doorashada ee guddigii doorashada ee lagu muransanaa.

Haddaba, si jawaab loogu helo maxaa xiga? ayaa wareysi arrintaas kala yeelanay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan, bare jaamacadeed iyo cilmi baare, horayna uga tartamay jagada madaxweynaha Soomaaliya.

Prof Samatar ayaa sheegaya in xaaladda ay mucaaradka ku sugan yihiin aaney isbadal keeni karin xilligan isaga oo soojeediyey in haddii la rabo natiijo fiican ay tahay iney murashaxiinta joojiyaan isbar-bar yaaca, oo la wada ordayo iyo marka meesha la tago ayaa la arki doonaa, oo ay isu tanaasulaan, kuna heshiiyaan mabd’a iyo hal murashax, haddii taasi la waayana ay fursad siin doonaan cidda kasoo horjeeda.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid rajo-beel ku riday dalka iyo dadka Soomaaliyeed  isaga oo yiri: Farmaajo wax rajo ah ma keenin, mana soo kordhin, intii uu joogay Al-shabaab lama weerarin, dhaqaale kobac ma jirin, magaalada waa kala xidhneyd, rajo kalena kama soo socoto, oo albaabkiisu waa xirmay

Ugu dambeyntii, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar  waxaa uu soojeediyey ilaa 4 qodob oo doorasho lagu gaari karo, loogana bixi karo ismari waagan, kuwaas oo kala ah:

  1. Reer waqooyi in waxooga loo madax banneeyo,
  2. Maamul goboleedyada in isku mid loola dhaqmo, iyaguna u haqmaan iney isku mid yihiin.
  3. Guddiga doorashada dadban waa iney madax bannaanaadaan
  4. Beesha caalamka in aan loo baahneyn, oo Soomaalida dhexdooda dhameystaan, waa haddii dalka iyo dadka ay dan ka leeyihiin.

Goobjoog News