U bood dhigaalka

Prof. Faarax Qare: Musuqmaasuqa Waxbarasho ee Dalka Waa Mid Horseedi Kara Inuu Dadkani Dhinto

Sheeko:Dalka

Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” ayaa ku tilmaamay heerka musuqsaamusqa waxbarashada dalka mid curyaamin doona dowladnimada mustaqbalka dhaw ee foodda inagu soo haya..

Prof.Admiral Faarax Axmed Cumar oo hadda ah guddoomiyaha hay’adda cilmibaarista badda oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay in musuqa ugu xooggan dalkana uu la curyaami doonaa uu yahay kan waxbarashada oo aan hadda si weyn loogu baraarugsaneyn:

“Dowladda baryahaan aad iyo aad ayaan ugu sacab tumeynaa runtii, waxay tiri musuqmaasuq ayaan la dagaalameynaa aad iyo aad waa arrin muhiim ah, meel kasta ayuu ku jiraa, anigu waxaan jeclaan lahaa maanta inaan ka faa’idysto munaasabaddan, musuqmaasuq kan dhaqaalaha ka xun ayaa jira, musuqmaasuqa dilka dadkaan kusoo wadaa waa tacliinta, waxaan war ka haynaa imtixaannada dowladda ee secondary-ga marka ay iskuulaadku sameeyaan ee hadana lagu celsho, marka kale ee la yiraahdo waa midkii dowladda oo waa mid guud ilmaheenna ayaa ku jira, imtixaankaas canug aan haysan kuma jiri, jaamacaadka ayay noogu yimaaddeen dadka secondary-ga kasoo baxay, been sheegi maayo; mustawihii dugsiga dhexe ee Lixdamaadkii maanta ninka jaamacaadka kasoo baxayaa ma joogo”.

Waxa uu is weydiiyay su’aalo badan oo ay adag tahay in sufudu jawaabahooda loo helo:

“Markaa annagii yaa noo aqoonyahan ah, yaa noo injineerro ah?, yaa noo takhtar ah?, yaa noo culumo ah?, haddii ninkeygu saa yahay dugsi dhex ama kan ugu roon uu ka hooseeyo dugsi sare aqoonyahan yaa noo ah?”.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney fiiro gaar ah u yeelato musuqa dhanka waxbarashada:

“Dowladdu saaka haku jeediso musuqmaasuqa tacliinta, haddii aan la daaweyn, laa dhaqaale ayaan koreyn, laa bulsho ayaan soconeyn, laa difaacaan soconeyn, markaa acadeymiyada milatariga cilmi lagu dhigo la heli maayo, nin qaadan karana la heli maayo, meel la arkaba waa curyaameysaa oo baraleys ayaa dhacaya, arrintaas dowladdu waa iney ku darsato musuqmaasuqa, borogaram mideysan oo dowladdu koontoroosho oo imtixaankana lagu ilaaliyo waa in la sameeyo.”

Waxa uu soo jeediyay in imtixaanka guud ee mideysan lagu soo daro qeyb dhanka afka ah oo ardayga la waydiinayo maadada imtixaanka maalintaas, darajada guud ee imtixaankana loogu qiimeeyo:

“Waliba waxaan soo jeedin lahaa imtixaanka guud ee dowladdu sameyso in lagu daro qeyb la yiraahdo qeybta afka (oral)  imtixaankaasna ay qaadaan kuwii imtixaankii hore saxay kuwaan ahayn, ama wasaarado kale ka socoda, annaga akadamiyaan kasoo baxnay imtixaannada waxaa sixi jiray dad bannaanka ka yimaadda.”

Si kastaba, waxaan shaki ku jirin in heerka musuqa waxbarashada ka jira dalka uu xad dhaaf yahay, qofka maanta doona isagoon waxbarasho hoose soo marin inuu dugsi sare fariisto way u sahlan tahay, taa waxaa kasii daran tiro badan oo  jaamacadaha dalka ah tii  aad doonto in aad fariisan karto oo lacag oo kaliya ay kaa xigto!!