U bood dhigaalka

Prof. Jawaari “Maamulka Galmudug Waxaa Lagu Warshadeeyey Soomaaliya”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo hadal ka jeediyey xafladdii dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ee ka dhacday Cadaado ayaa maamulkaasi ku tilmaamay sidii badeeco lagu warshadeeyey Soomaaliya oo kale, yahayna kan kaliya ee astaantaasi leh.

“Waxaad tihiin goboladan Mudug iyo Galgaduud ee baarlamaankooda hagaajistey, ee hortayada lagu dhaariyey, waxaad tihiin maamulkii ugu horeeyey oo ah Made In Somalia , maamul lagu deysan karo habka uu u socdo, oo aan aad iyo aad ugu rajoweynahay in maamulada kale ee hadda la dhisi doono in ay raacaan raad raaca hadda lagu dhisey Galmudug” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa aad oga mahadceliyey sida taladiisa odaynimo loo qaaday, loona dhisey baarlamaanka ay dadka ku wada qanacsanyihiin, kuna yimid qaab hufnaan ah “Waligeey kuma aanan fikirin, mana u qabin in inta aan talo usoo jeediyo gobolada aan aniga hadda kasoo jeedo, in aan talo u geeyo ay iga diidayaan waligeey uma maleyneynin, laakiin haddane Galguduud iyo gobolaadaan ayaa lagaaga ogolaanaa waligeey maankeyga kuma uusan jirin”.

Jawaari ayaa sheegey in Soomaalida aysan isku heysanin hanti iyo waxyaabo la mid ah maanta, balse waxa la’isla fahmi la’yahay ay tahay sidii lagu dhisan lahaa dowlad awood badan “Waxaan isku heysano oon ku heshiin la’nahay waa in aan dowladnimo dhisano”.

Waxa uu ka digey kala qoqobnaanta iyo kala fogaanshaha maamulada iyo dowladda dhexe “Gobolkan maamulka laga dhisaayo ma jiri karaaya haddii aysan jirin dowlad federaal ah oo taageerta oo gar wadda, dowladda federaalkana ma jiri karto haddii aysan jirin dowlad goboleedyadan oo dhan, “Ma fiicna mana qurux badna in dowlad goboleed ay tiraahdo federaalka waan ka goosaney, inteey u goosanee” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ugu dambeyntii Maxamed Cusmaan Jawaari waxa uu tilmaam iyo tusaale ka bixiyey waxa raasimaalka ah ee hadhoow Soomaaliya u haraya “Waxa aan raadineyno waa in ay hey’ado dhismaan, ma ahan in ay shaqsiyaad dhismaan, xusuus reebka waxyaabaha la qabanayo oo dhan waxa ay ku haraan waa hey’adaha, dowladnimadana in ay sii jirto waxa ay u baahantahay in ay hesho labo waxyaabood oo kala ah dad iyo hey’addo u duuban , u gunti xiran, oo damaanad qaadaya jiritaanka dowladnimada ”

Waxa uu la dardaarmay baarlamaanka cusub oo uu kula dardaarmay in ay qoraal reebaan si tixraac ahaan loogu isticmaalo, halkii maanta dhan la hadli lahaa.

Goobjoog News

DSC05457 DSC05410