U bood dhigaalka

Prof Samatar Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga seddaxaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare.

Kursiga seddaxaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Prof Cabdi Ismaaciir Samatar, Prof Maxamed Maxamud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Cali.

Doorashada oo leysla dhaafi waayay wareegga Koobaad ayaa waxaa loo gudbay wareegga labaad, markii ay soo dhamaatay tirinta codadka wareegga labaad ayaa lagu dhawaaqay natiijada.

Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo helay 24 cod  , halka uu  Prof Maxamed Maxamuud uu helay 21 cod.

Waxaa sidaas kursiga Seddaxaad ee doorahada Aqalka sare ee Somaliland ku soo baxay Prof Cabdi Ismaacil Samatar.

Goobjoog News