U bood dhigaalka

Prof. Xasan Sh Cali “Farmaajo Waa Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya”

Sheeko:Amniga

Prof Xassan Sh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Farmaajo uu waqtigiisa Dastuuriga ah uu dhamaaday, maantana uu yahay madaxweeynihii hore ee dalka.

Aqoonyahanka oo u waramay GoobJoog News  ayaa sheegay in awalba Dastuurka uu madaxweeyne ku noqday, maanta kadibna loola dhaqmi doono sidii madaxdii asiga ka horeysay.

“Sidaan ognahay farmaajo wuxuu madaxweynaha jamhuuriyadda faderaalka ku noqday dastuurka, sidaas darteed su’aashu waxa waye, muxuu dastuurkan ugu yeerayaa farmajo?.

“Dastuurka qodobkiisa 91aad waxa ku qoran, muddo xileedka madaxweynaha jamhuuriyadda fedaraalka ee soomaaliya wa 4 sano oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, marka hadii waqtigu ka dhamaaday madaxweyne kasta oo caalamka ka jira waxa loogu yeera madaxweynihii hore, sidaa darteed mudane farmaajo wa madaxweynihii hore ee soomaaliya”.

” Hadda dastuuriyan waqtigooda wa dhacay (golaha fulinta) xafiiska waxay usii heyn karaan siihayn iyo siixifdin dukomiintiga iyo magaca dawladninada, hoggaanka hay’adda sharci dajintu waxay ahayd inuu uu dhaqaaqo oo uu talada la wareego, marka hadii joogi lahaa gudoomihii saxda ahaa ( jawaari) sacadaan miiska ayuu istaagi laha”.

Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayuu ugu baaqay in ay talada dalka dhinac u ridaan, isagoo xusay in maata iyaga ay yihiin kuwa sharciga ah ee jira.

“Madaxweyne goboleedyada waxa la raba in ay inta isku tagaan ay go’aan yeeshaan xitaa kuwa uu madaxweynihii hore sameeyay wa in ay ogaadaan, ninkii sameeyay wa dhintay siyaasad ahaan”.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii uu madaxweeynaha ahaa waxa uu ku guul dareeystay in uu dalka doorasho uu geliyo .