U bood dhigaalka

Prof. Yaxye Cali Ibraahim”Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Waxay Ahayd Mid Xalaal ah”

Sheeko:Dalka

Prof. Yaxye Cali Ibrahim oo ah hormuudka mid ka mid ah xarumaha tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ku tilmaamay mid xalaal ah, sidii la rabayna u dhacday, tusaale wanaagsana u noqon karta maamulada soo socda.

“Waxaa la dhihi karaa 11 qabiil oo wada dega goboladaasi ayaa si wadajir ah waxa ay u sameysteen maamul ay u wada dhanyihiin, dabcan eedo iyo daldaloolo waa iska jiraayaan marwalba, balse waxaa la dhihi karaa sida dastuurka KMG ah uu qabo, mabaa’diidiisa federaalism-ka ama hoos u dajinta maamulka waxaad mooddaa in habkii ugu suurogalsanaa in ay tahay, uguna xalaaleysnaa inta hadda Soomaaliya laga ogyahay ” ayuu yiri aqoonyahankani oo hormuud ka ah jaamacadda SIU.

Waxa uu farta ku fiiqey in aysan jirin cid si gaar ah u maroorsatay awoodda, dadkuna ay heysteen fursado isku wada mid ah “Qofna waa ku amar taagleyn waayay, qofna waa uu maroorsan waayay, sidaas ayay dadka oo dhan indhaha ugu wada hayen, waana meesha aan isleenahay waa looga dayan karaa in lagu soo dhiso maamulada soo socda iyo kuwa hadda jira ee KMG ahna dib inta loogu noqdo sidaas oo kale wax loosoo dhiso”.

Mar aan wax ka weeydiiney sida laga yeelayo Ahlu Sunna ayuu sheegey in ay qasab tahay in lala hadlo Ahlu Sunna iyo cid kasta oo kale, balse waxa uu ka digey in lasoo gudbey xiligii koox ay iyadu xoog ku afduuban jirtey rabitaanka dadka.

Prof. Yaxye oo aad siyaasadda ugu dhuun duleela, xog ogaalna ah ayaa sheegey in ay jiraan ologyo siyaasadeed oo ku tartamay doorashadii Cadaado “cadaado waxaa ku tartamay si maldahan garabyo siyaasadeed, oo uu loolan ka dhaxeeyey, ma jiraan xisbiyo la yaqaano oo magac leh, laakiin haddane waxaa jirey dad mabaadii’ siyaasadeed oo kala duwan leh, oo xafiisyo kala duwan ka socda, oo halkaasi ku hardamay, waana nidaamka xalaal ka dhigaya meeshan, ciddii heshaana lagu bogaadiyo” .

“Waxaan aaminsanahay wixii maanta dhacay in ay ahayd fariin iyo saansaan sida ay wax u dhici doonaan doorashada madaxweynenimada” ayuu intaasi sii raaciyey Yaxye oo hoosta ka hariiqey in shaqsiyaadka tartamay ay la kala safnaayeen musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Galmudug.

Goobjoog News