U bood dhigaalka

Professor Af yare Cabdi “Saddex Arrin Ayaa Laga Doonayaa In Madaxweyne Farmaajo Degdeg Ku Fuliyo”

Sheeko:Dalka

Professor Af yare Cabdi Cilmi ayaa sheegay in madaxweynaha la doortey ee Farmaajo hadda laga doonayo in si degdeg ah u sameeyo Saddex qodob oo uu sheegay iney tahay mid muhiim u ah howlihiisa shaqo.

Waxa uu tilmaamay in ugu horreyn laga doonayo inuu maareeyo dareenka dadka ee ah iney heleen shaqsigii ay rabeen, islamarkaana ay moodaan in degdeg looga baxayo wax walbo oo jirey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga doonayo Madaxweyne Farmaajo inuu wadatashi guud la sameeyo dhammaan xildhibaannada kuwii doortey iyo kuwii aan dooran si ay u arkaan inaanu isagu cidna duulaan ku ahayn, isaga oo howshaasi ku daraya in degdeg kusoo magacaabo Ra’iisul wasaare.

Af yare ayaa dhinaca kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inuu wada hadal la yeesho dalalka deriska ee qaarkood aragti ahaan diidanaa Farmaaajo, kalana hadlo maslaxadda guud.

“Howl culus baaa u taallo madaxweynaha, laakiinse Saddex qodob baan is leeyahay waa laga doonayaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana kamid ah In la maaareeyo waxyaabaha dadku ay filayaan, waxaa muuqata in dadku ay filayaan wax aad u weyn, dadku waxay sugayaan in waxweyn loo qabto maadaama ay doorteen wixii ay rabeen, Midda kale ee aan isleeyahay wey taagan tahay waxa weeye, waxaan u maleynayaa in Farmaajo uu dareensan yahay xaaladda uu kasoo baxay oo dadku aad u kala qeybsan yahay, dadka isaga u codeeyey aaney is waafaqsaneen, meeshaas waxaa ku jira inuu tuso Labo arrin, oo marka Koowaad inuu wada wadatashi la sameeyo oo ay arkaan in mid gaar ah duulaan ku ahayn isaga oo markii wadatashiyadaasi  la galayana hadane in degdeg u dhaqaajiyo magacaabista Ra’iisul wasaaraha, qodobka Saddexaadna waa in xoogagga dheeraadka ah ee ay ugu horreeyaan dalalka deriska ah oo rabay inuusan isaga soo bixin ama u arkayey inuu dhib ku yahay uu la hadlo oo uu dhageysto oo uu yiraahdo aan ka wada hadalno masaaliixda naga wada dhaxeysa” ayuu yiri Professor Af yare Cabdi Cilmi

8-dii bishan xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxay ku doorteen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kamid ahaa 21 musharrax oo u taagnaa qabashada xilkaasi.

Goobjoog News