U bood dhigaalka

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar “ Hogaanka Hadii Uu Imaan La’aan Kaa Noqdo Wareer Baad Ku Jiraysaa Waligaa”

Sheeko:Dalka

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo u waramay Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo ku aadan hogaanka dalka iyo sidoo kale waxyaabaha la fili karo marka uu dhamaado waqtiga dowladda iminka dalka maamusha.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho uu ku arkayo shacab badan oo dadaalaya doonayana in dalka hagaago, ajaaniib Turkiga ka mid yahay oo caawinaya dalka, balse waxa uu tilmaamay inaysan muuqan dowlad usoo jeedda inay ka faa’ideysato dadaalkaasi, islamarkaana hor-gasho waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa la arkayaa shacab dadaallaya, in badan shaqeynaysa oo doonaya in wadanku hagaago, dad ajnabi ah oo Turkigu Kow ka yahay oo caawinaya umadda, laakiinse dowlad usoo jeeda, ka faa’ideysata, la shaqeysata aanay jirin baa ii muuqata”

Mar uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan halka ay Soomaaliya u socoto ayuu sheegay inuu soo socdo kala guur rasmi ah, balse waxa uu tilmaamay in arrinta ugu daran ee taagan ay tahay madaxda Soomaalida oo aan kasii hadlayn waxay dadka u baahan yihiin, balse uu tilmaamay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay jagooyin ku kala qeybsan lahaayeen.

“Kala guur rasmi ah ayaa soo socda, hadii waxaan la qooshayo ee waallida ah ee ah goballo qabaa’il ku dhisan, iyo rag madax ah oo u haysta inay iyagu wadanku leeyihiin ka tashanaya sidii ay jagooyinka u kala qeybsan lahaayeen, aan kasii hadleyn dadku maxay u baahan yihiin, maxay rabaan, dantoodu maxay tahay, hadii iyagu kuwaasi ay guuleystaan waxaan ii muuqata in qarka loo saaran yahay halaag qaranka ah, marka umadda Soomaalida waa inay tashataa, hadii ay doonayaan iyaga oo nool in la duugo, kuwaan durbaanka ha u tumaan, hadii kale iyaga oo aan dad dhibeyn hasoo baxaan oo ha yiraahdaan hadii aynu nahay Soomaali waxaan nama qabtaan ha joogaan Muqdisho, Baydhaba, Hargeysa, Kismaayo ama Garoowe, Cilmi baaris aynu sameynay waxa uu ina tusayaa in dadka caadiga ah dantooda ay sheegayaan min hargeysa illaa Kismaayo inay isku mid yihiin, marka waxa weeyaan danta kuwaan jooga iyo kuwa qoorta usoo taagaya kama tarjumi karaan, waa in umaddu tashato oo la yiraahdo jidkani ma ahan mid meel xalaal ah ina geynaya, Seddax Sano iyo xoogaa bay dowladaan soo joogtay, maanta ayeey gabgab leedahay, waxay u leedahayna waa aan sii joogno, war aadba sii joogtide aan wada xisaabtanno, waxaan sidaa ka wado waa dhammaantooda kuwa goballada Jooga, kuwa Buurta Xamar fuulsan, kuwa baarlamaanka ku jira, mid walba waa in lala xisaabtamaa” ayuu yiri Professor Cabdi Ismaaciil

“Waagii Maxaakiimta baan xoogaa la yara shaqeeyay, wax wanaagsan bay keenen laakiin wey kibreen, hadii aanay maalintii kibri lahayn maanta ma aanay joogneyn halkaan, waxaan ku iri maamulka magaalada hala kala saaro, maamul magaallo cid kale waa in loo raadiyaa idinkuna guud ahaan ka ilaaliya nabadda iyo meesha loo socdo, wey kala saari kari waayeen siyaasadda iyo maamulka, hadee waa kuwii hog inagu riday, hadii hogaanku kaa noqdo doqon ama iimaan la’aan wareer baad ku jiraysaa waligaaba”

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa mar uu soo hadal qaaday arrimaha ku aadan doorashooyinka 2016-ka ayuu sheegay in aan lagu guuleysan karin nidaamka 4.5 iyo sidoo kale midka degmada, balse ay ku talin lahaayeen qorshe ah in nidaamka beesha looga gudbo xisbiyo.

“Doorshooyin ma dhacayaan, laakiinse wax u eg oo muunad ah waa in la sameyn kara, qaar waa kuwaan leh 4.5 halagu xisaabtamo oo odayaasha hasoo xulaan waayo waxay ogyihiin in Odayaasha ay soo iibsan karaan sidii horayba u dhacday, qaar waxay ku leeyihiin degmooyin halagu soo xulo, weyna caddahay degmooyinka waxay u biyo shubanayaan qabiilka, marka Labadaan dhinacba been bay isku haystaan wax isku mid ah ayeey inoo tafaariiqeynayaan, lagumana guuleysanayo, waxaa jira qorsheyaal kale oo annaga xitaa aan keeni karno oo lasoo xuli karo 13- kun oo qof, waayo cid iibsan karto 13 kun ma jirto, kadibna qabiilka xisbiyo looga gudbo” ayuu yiri Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Dabayaaqada sanadkaan 2106 waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho, iyadoo wadatashiyada qaabka doorashada dalka ay ka dhaceen, kuwo kalena loo ballansan yahay in dhawaan ay dhacaan.

Goobjoog News