U bood dhigaalka

Professor Gaandi: Maqaamka Muqdisho In Laga Hadlo Waa Waajib (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa siyaasiyiin shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo laga doonayo iney caddeyso maqaamka magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Gaandi in shirkii Carte ee Jabuuti illaa hadda la sheegayey un maqaamka caasimadda, balse aanay jirin dowlad si rasmi ah uga hadasha.

Sidoo kale, Gaandi ayaa sheegay in dowladda ay dayacday dalka, islamarkaana bedalkii Al-shabaab ay dalka ka saari lahayd lasoo faarujiyey deegaanno kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News