U bood dhigaalka

Professor Gaandi Oo Looga Guuleystay Doorashada Aqalka Sare Ee Jubbaland

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa looga adkaaday tartankii xubinnimada aqalka sare  oo maanta ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Gaandi ayaa cod aqlabiyad leh waxaa uga adkaaday musharraxa kale ee lagu magacaabayey Axmed Xaashi Maxamuud, kaasi oo helay 40 cod, halka Gaandi uu helay 26 cod.

Doorashada xubnaha aqalka sare ee Jubbaland oo maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu doonayey oo kaliya inay kusoo baxaan 8 xubin, maadaama saamiga aqalka sare kaga soo aadey Jubbaland uu intaasi ahaa.

Maxamed Cabdi Gaandi ayaa ka sokow xilka wasiirka difaaca Soomaaliya waxa uu soo qabtay xilal kale, waxaana uu kamid ahaa aas aasayaasha maamulka Jubbaland.

Goobjoog News