U bood dhigaalka

Professor Yahye Cali Ibraahin oo sheegay in aysan natiijo kasoo baxayn shirka ka socda Copenhagen (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Yaxye CaliProfessor Yahye Cali Ibraahin oo ka hadlay arimo badan oo ku saabsan lacagihii loogu yaboohay Soomaaliya iyo sidoo kale waxa laga filan karo xilligaan shirka ka socda Denmark ayaa tilmaamay in wax rajo ah aan laga qabin in shirkaan natiijo uu kasoo baxo.

Waxa uu sheegay in dowladda Mareekanka iyo dowlado kale oo shirkaan muhiim u ahaa ay sheegeen in aysan daneenayn arimo la xiriira khilaafka madaxda sare ee dalka.

shirka ka socda magaalada Copenhagen ee dalka Denmar ayuu aragti ahaan ku sheegay in aanay jiri doonin wax kasoo baxa, isaga oo sabab uga dhigay in uu kusoo beegmay dowladii oo khilaaf hareeyay, iyo madaxdii dalka oo aragti ahaan sii kala fogaanaya.

Dhanka kale Yahye Cali Ibraahin ayaa ka hadlay arimaha ku aadan lacagiohii dalka loogu yaboohay iyo sidoo kale qaabkii lacagahaasi loo maareeyay.

Waxa uu sheegay in is xisbaatan la’aanta ka jirta dalka ay keentay in dalka uu galo marxalad dhaqaale xumo oo aad u liidata.

Waxa uu tilmaamay in lacagtii loogu yaboobahay Sanadkii hore oo la soo marsiiyay gacan sadaxaad ay keentay dib u dhaca helidda balan qaadyadii la sameeyay.

“Dadka lacagta yaboohay markii ay lacagta dhiibayaan toos looma siiyo dowladda, waayo ma jirto kalsooni dhanka dowladda maadaama ay tabar yar tahay, waxaa jiraysa gacan Sedaxaad oo aan ahayn dowladda oo lacagta lasoo marsiinayo”

Lacagaha qaar ayuu sheegay in lagu bixiyay barnaamijka Aada Dugsiyada ee dowladda Soomaaliya, iyadoo uu sheegay in la yaab ay noqotay in ay soo baxeen dhacdooyin la yaab leh oo ku aadan qarashaadka iyo hanaanka loo maamulay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga

Goobjoog News