U bood dhigaalka

Professor Yaxye Cali Ibraahim “In Safar Laga Joojiyo Qof Wasiir Ah Waxay u Baahan Tahay Go’aan Maxkamadeed” Dhageyso

Sheeko:Dalka
Prof. Yaxye Cali Ibraahim
Prof. Yaxye Cali Ibraahim

Professor Yaxye Cali Ibraahim oo ah Hormuudka Jaamacadda SIU ee magaalad Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii xeer ilaaliyaha qaranka ee ku aadanaa in aanay safri karin wasiirada xukuumada uu hogaamiyo Cabdiweli Sheekh Axmed oo shalay waayay Kalsoonida Baarlmaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay tahay ciqaab socdaal laga joojiyo wasiir ama xildhibaan, taasna ay ku imaan karto go’aan cad oo kasoo baxa maxkamada waa sida uu hadalka u dhigaye.

“In safar laga joojiyo qof wasiir ah waxay u baahan tahay go’aan maxkamadeed, waa ciqaab mar hadii ciqaab tahayna waxaa jirta dambiyo ciqaab lagu mutaysan karo iyo kuwa aan lagu mutaysan karin, dalal waajiraan madaxdooda safarada laga joojiyo ama dalal shisheeye haka joojiyaan oo hadhahaan dambi ayaa lagu soo oogay, ama ha jiraano madaxdooda kale oo ka sareysa dalka inay iyaguna dhahaan tuhun la qabaan awgiis, hebel iyo hebel safar dibadda ma aadi karaan ilaa inta maxkamada ka dhamaaneyso, balse hadda ma jirto dacwad ka dhan ah golaha wasiirada oo ogolaanayso in safaradooda la adkeeyo”

Dhanka kale Professor Yaxye waxa uu sheegay in la yaab tahay go’aankaan in uu yimid iyadoo weli uu talada hayo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Waxaa kaloo la yaableh, weli waxaa xafiiskiisa jooga Ra’iisul wasaaraha, waxaa laga yaabaa in dadka qaar aysan ogeyn, isaga iyo wasiiradiisa shaqada wey wadanayaan ilaa Ra’iisul wasaare cusub laga soo magacaabo, micnaheeda ma ahan in aysan howlmaalmeedkii qaranka aysan qabaneynin, xafiiska xeer ilaaliyaha tani awood wuu u leeyahay, marka loo eego qodobka ay cuskadeen, waxayna dan u tahay shacabka Soomaaliyeed”

Wareegto xalay kasoo baxday xafiika Xeerilaaliyaha qaranka ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya aysan safar dibadda ah u bixi karin ilaa inta ay xilalka ka wareejinayaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News