U bood dhigaalka

Professor Yaxye Cali Ibraahim Oo Rajo Ka Muujiyay In Dalka Doorasho Ay Ka Dhacdo 2016

Sheeko:Dalka

Professor Yaxye Cali Ibraahim oo ah gudoomiyahii soo xulay guddiyada Doorashooyinka, Xuduudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in sanadka 2016-ka dalka guud ahaan ay ka dhici doonto doorasho ay dadka codkooda ku dhiiban karaan.

Waxa uu sheegay in hadda aysan u arag in lagu sii mashquulo arimaha ammaanka iyo qaabka doorashada, balse uu hayo aragti ah, in dadka ay ku codeeyaan qaab casri ah, iyada oo la adeegsanayo Taleefanada gacanta ah.

Qorshahaan ayuu sheegay in uu yahay oo kaliya mid qadanayo in dadka la diiwaan geliyo, lala heshiiyo shirkadaha adeega Taleefanada, lana diiwaan gelinayo 27-kun iyo Shan Boqol oo qof.

Waxa uu sidoo kale sheegay Professor Yaxye in dadka soo xulistooda ay ka horeynayso in la diiwaan geliyo, la siiyo kaararka doorashooyinka, iyo sidoo kale in loo eego sida dalka oo kala degan yahay.

Ugu dambeyn Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in hanaankaan hadii loo maro doorashada in ay imaan doonto doorasho xalaal ah, islamarkaana meesha ay ka baxayso in wax la musuq maasuqo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in sanadka 2016-ka dalka ay ka hirgeliso doorasho xur ah, inkastoo shaqooyin badan ay taasi ka horeeyaan.

Goobjoog News