U bood dhigaalka

PSF: Mar walba Waxaan Diyaar U Nahay Heshiis iyo Nabad

Sheeko:Amniga

Ciidamada PSF ayaa ku dhawaaqay in ay aqbaleen xabad joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleeska Puntland.

Qoraal ka soo baxay hogaanka ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in ciidamada ay mar walba diyaar u yihiin in ay qaataan nabadda.

PSF ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin xabad ay bilaabeen ciidamadooda balse dagaalka ay ku soo qaadeen ciidamada ka amar qaata madaxweynaha Puntland.