U bood dhigaalka

Puntland: Afar Qof oo Lagu Xukumay Dil

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukunno kala duwan waxaa ay ku ridday rag lagu soo eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabab, dadka la xukumay ayaana waxaa ay gaarayaan ilaa  iyo lix ruux, waxaana afar ka mid ah maxkamddu ay ku ridday xukun dil ah, halka labada kale lagu kala xukumay 30 sano oo xabsi ah iyo 20 sano.

Maxakamdda ayaa waxaa ay dil toogasho ah ku xukuntay Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aaden Muuse,  Sidoo kale, Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano oo xabsi  ciidan ah sida lagu shaaciyey xukunka maxkamadda.

Maxkamadda ayaa waxaa ay sheegtay in raggaan ay ahaayeen shabakad qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka fulisa deegaannada maamulkaas, waxaana horay dhowr jeer maxkamadda ciidamada Puntland ay xukunno kala duwan ay ugu ridday rag lagu eedeeyey kamid ahaanshiyaha Al-shabab iyo Daacish, oo wareerro kala duwan ka filiyey Puntland.

Goobjoog News