U bood dhigaalka

Puntland : Ajendaha Qayb Ahaan Sidan Oo Kale Ah Wuxuu u Horseedi Karaa Fashil Shirka.

Sheeko:Amniga

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Abdirahman Dhabanacad ayaa sheegay in markale ay suura gal tahay in uu fashilmo shirka Muqdisho ka furmaya .

Dhabanacad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in aanan lagala tashan dhinacyada shirka ka soo qeyb galaya Ajendaha shirka .

Wasiir Maxamed Abdirahman Dhabanacad ayaa yiri “Ajendaha kulanka la filayo ee loo dhan yahay ee doorashooyinka waa in lala tashadaa oo ay isku raacaan dhammaan daneeyayaasha ay khusayso. Ajendaha qayb ahaan sidan oo kale ah wuxuu u horseedi karaa fashil shirka.

Qoraalka ayuu soo dhigay Twitter-ka xilli saacada kooban ay ka dhiman yihiin Shirka Arrimaha Doorashooyinka dalka .

Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay Twitter=ka oo ku qoran Luqadda Ingiriiska