U bood dhigaalka

Puntland: Askari Lagu Xukumay Dil

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil ah waxaa ay ku ridday askari la sheegay inuu horay u dilay sarkaar ka tirsan ciidamada he’adda PMPF, kaas oo lagu dilay duleedka magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Maxkamadda ayaa waxaa ay xukun ku riday eedeysane Maxmed Cabduqaadir Muuse, kaas oo maxkamddu sheegtay in loo heysto dilka marxuum Bootaan Cowl, kaas oo 30-kii Setembar 2021-ka lagu dilay halka lagu magacaabo Laanta Hawada.

Maxkamadda oo u fariisatay dawada kiiskaan ayaa waxaa ugu dambeyn xukun dil ah ay ku riday askari eedeysanaha ah ee loo haysto dilka sarkaalka ka tirsanaa he’adda amniga maamulka Puntland ee lagu magacaaboPMPF.

Goobjoog News