U bood dhigaalka

Puntland: Baarlamaanka Oo Kahor Yimid In La Kordhiyo Tirada Xildhibaannada

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Puntland ayaa arrin  sharci daro   ku tilmaamay dalab kaga yimid madaxweynaha maamulkaasi oo ku aadan kordhinta tirada xildhibaannada.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa dhowaan u gudbiyay warqad qoraal ah guddoomiyaha wakiillada Puntland taasoo uu uga dalbanayo in 13 xildhibaan lagu kordhiyo.

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa intooda badan qorshahaasi ku tilmaamay mid madaxweynuhu uu dano gaar ah ka leeyahay.

Guddoomiyaha arrimaha golaha baarlamaanka Puntland Yuusuf Maxamed Axmed Gaacashe oo la hadlay  Goobjoog ayaa sheegay in kordhinta baarlamaanka Puntland ay leedahay waddo loo maro oo arrinta madaxweynaha tahay mid dastuurka hareermarsan.

“Madaxweynaha horta isaga awood umaba lahan inuu xildhibaanno kusoo daro ama uu soo codsado in lagu kordhiyo baarlamaanka, arrintan waa mid hareer marsan Dastuurka, baarlamaankan waxaa lagu soo dhisay qaab qabiil ku heshiiyey, marka haddii kordhin ay timaadana waa in dhanka Dastiuurka laga eegaa” ayuu yiri Yuusuf.

Hadal haynta ugu badan ee deegaannada Puntland ayaa ah arrinta ku aadan dalabka madaxweyne Gaas ee ku aadan kordhinta xildhibaaannada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Goobjoog News