U bood dhigaalka

Puntland: Baasaboorka Soomaaliya Waa Iney Ka Muuqato Federaleynta iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaaleynta iyo dimoqoraadiyadda dowlad gobaleedka Puntland Maxmed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baasaboorka Soomaaliya lagu muujiyo in dalka uu qaatay nidaamka federaalka, si loo xaqiijiyo  inuu  hirgalay.

Wasiirka oo la hadlay Goobooog News ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay Baasaboorka Soomaaliga ah inuu  ka dhex muuqdo nidaamka federaalka ee dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen burburkii ka dib, asaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri” Maadaama dalka uu ku heshiiyay nidaamka federaalka ah,  xukunkiisana lagu dhisay,  laakiin arrintu waxaa waaye Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa wali  ku yaala Baasaboorka Jamhuuriyadda Soomaaliya,  lakiin kuma taallo Baasaboorka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, waxaa ayna tahay maadaama dalku uu halkaas uu u guuray oo nidaamkaas qaatay oo lagu heshiiyay oo dhameystirkiisii lagu jiro in laga run sheego oo dhinac waliba dadkii  loo carbiyo, Baasaboorku  waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha astaanta dalka ah marka waxaa la rabaa in lagu qoro Baasaboorka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya”.

Sidoo kale wasiir Dhabancad oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in Baasaboorka lagu caddeeyo inuu dalku federaal uu yahay ay tahay muhiimad weyn iyo in bulshada caalamka ay ogaato nidaamka  dalku  ka jira inuu federaal yahay waxaana uu yiri” Arrintu ma ahan arrin looga hadlaayo dowlad ama dowladaha xubnaha ka ah Baasaboorku waa Baasaboorkii qaranka, qarankii Soomaaliya waxaa uu ku heshiiyay oo lagu dhisay dowladnimadiisii inuu noqdo dal federaal ah, marka si taas loo gaaro waxaa  Baasaboorkuna xusayaa  Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya uu Baasaboorkeedii uu yahay, marka haddii la yiraahdo Jamhuuriyadda Soomaaliya Baasaboorkeedii, taas macnaheedu waxaa waaye in meel arrinu ka qaldan tahay oo meeshii la rabay in dalka loo diyaariyo dhan waliba uu wali wax ka dhiman yihiin”.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Punland ayaa sheegay in hadda xiligaan dadka Soomaaliyeed si wanaagsan ay u fahamsan yihiin nidaamka federaalka, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in ay muhiim tahay in laga run sheego waxaana uu yiri” Dadka Soomaaliyeed nimaadka qof kasta nidaamka inuu yahay nimaad la qaatay,  laguna heshiiyay haddana lagu jiro dhameystirkiisii, lakiin meesha ay wax is ka diidanyihiin waxaa waaye shaqsiyaad ayagu danahooda aysan ka dhex arkin in dalkaan uu noqdo dano dal federaal ah  oo awoodu qeybsan yihiin oo adeegii qeybsan yahay oo dadka la gaarsiiyo qof waliba meesha uu joogo talada uu wax  ku yeesho ayadoo la raacayo hanaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ”.

Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda arrimaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegay  si loo dhameystiro nidaamka federaalka loo baahan yahay in lagu cadeeyo wax waliba ee soo baxa nidaamka federaalka waxaana uu yiri” Marka lagu heshiiyo nidaamka federaalka oo dhidibada loo aaso waa in dhan waliba waxa quseeya ay ku taalo qoraalada ka soo baxaayo ay ku taalo inuu dalkaani yahay dal federaal ah”.

Goobjoog News