U bood dhigaalka

Puntland “Ciidamo AMISOM Ah Lama Keeni Karo Deegaannada Aynu Maamulno”

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in marnaba deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo aan la keeni karin ciidamo ka socda Midowga Afrika, si ay deegaanadaasi uga howlgalaan.

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada ee maamulkaasi ayaa la’isku raacay in Ciidamo AMISOM ah aan deegaanadooda la keenayn, iyaga oo sheegay in hadda aysan jirin baahi loo keeno ciidankaasi.

Qoraal ay soo saareen wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay ku filan tahay amniga guud ee deegaanada ay ka arimiso, sidoo kalena aan lagu qasbi karin in ciidan AMISOM ah loo geeyo.

“Golaha waxa ay si dhameystiran u xaqiijiyeen in aan la keeni karin gudaha deegaanada Puntland ciidan ka socda AMISOM waxayna u cadeeyeen dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya, Shacabka Puntland, in maamulka Puntland uu ku filan yahay ilaalinta amniga dhulkooda, xuduudahooda, islamarkaana islamarkaana aysan dalban ciidan AMISOM ah, laguna qasbi karin”  ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkii wasiirada Puntland.

Ciidamada AMISOM ayaa ka howlgala meelo badan oo ka mid ah dalka, waxaana ay caawiyaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News