U bood dhigaalka

Puntland: Ciidanka Ammaanka oo Qabtay Maandooriye iyo Dadkii Iibinayay

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Puntland  ayaa soo bandhigay gaari siday waxyaabaha maanka dooriya iyo rag ka ganacsanayey, kuwas oo ciidanku ay qabteen kadib howlgal la sameeyeen.

Gaariga ciidanku ay qabteen ayaa waxaa uu ahaa gaari nuuca Nohada ah , waxaana ay sidday Khamri, taas oo la rabay in lagu iibiyo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana ciidan isku keeneen goob fagaaro ah.

Dhalooyinka Khamriga ah ayaa saraakiisha ciidanku waxaa ay cadad ahaan ku sheegeen ilaa 400 oo xabo, iyadoo goob banaan ah la isugu soo aruuriyey kadibna lagu burburiyey dhalooyinkii khamriga ahaa ee lasoo qabtay.

Ciidamada ayaa gaadiidka iyo khamriga gacanta ku dhigay habeenimadii xalay, waxaana ay fariin u direen dadka ku howlan ka ganacsiga, waxyaabaha maanka dooriya, iyadoo dhowaan la galayo bisha barakaysan ee Ramadaan.

Goobjoog News