U bood dhigaalka

Puntland: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Ceel-biyood Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Duleedka magaalada Qardho ee Puntland ayaa waxay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay Ceel-biyood halkaasi ku yaalla oo lagu dagaallamay.

Laba nin oo ka mid ah dadkii Ceelkaasi biyaha ka qaadanayay ayaa la sheegay inay ku murmeen inay biyahaasi ku kala hormaraan, hase ahaatee markii dambe ay gacanta iskula tageen, oo uu dhintay mid ka mid ah raggaasi, halka mid kale dhaawac uu soo gaaray.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Labadaan nin uu muran xooggan soo kala dhex galay, daqiiqado badanna ay doodayeen, hase ahaatee ugu dambeyn uu gacan qaadka yimid.

Sababta ugu weyn ee dhibaatadaan u dhacday ayaa la sheegayaa inay tahay biyo la’aan aad u baahsan oo ka jirta deegaanada maamulka Puntland.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa shalay ku dhawaaqday in deegaanadooda ay ka jirto abaar aad u daran.

Goobjoog News