U bood dhigaalka

Puntland: Diyaar ayaan u nahay in la dhameeyo khilaafka ka taagan garoonka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wasiirka war faafinta maamulka Puntland Cabdiweli Xirsi Indho guran ayaa daaha ka rogay in ay diyaar u yihiin wada hadal lagu dhameeyo khilaafka dhanka maamulida garoomada ee ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Cabdiweli Xirsi Indho guran ayaa sheegay in shacabka ay ugu baaqayaan in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo wada noolaanshiyaha gobolka Mudug.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in shacabka gobolka Mudug ay ka codsanayaan in ay ka qeyb qaataan wada hadalka nabadda.

Muranka dhanka maamulida garoomada diyaaradaha Gaalkacyo ayaa weli ka dhex taagan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Maamulka Galmudug ayaa dhowaan tilmaamay in ay xanibeen shaqada garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo kadib markii ay ku eedeeyeen Puntland in ay daandaansi kula dhaqaaqday dhankooda.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug in ay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafka duullimaadyada diyaaradaha ee garoomada Gaalkacayo, isla-markaana laga fogaado wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo wada noolaanshaha dadka deegaanka.