Puntland: Doorashada Aqalka Hoose Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Maanta oo Isniin  ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo gabagabeeyo doorashada xubnaha aqalka hoose ee kusoo aadey beelaha dega deegaannada Puntland.

Ergada waxay maanta dooran doonaan 5 kursi oo ah kuwa ugu dambeeya ee doorashada aqalka hoose, iyadoo kuraastan haddii la doorto ay ka dhigan tahay in Puntland ay dhameystirtay xubnaha aqalka hoose kaga soo aadey ee 37-da ah.

Guddigga doorashada heer dowlad goboleed ayaa shalay magaalada Garoowe kaga dhowaaqay in maanta lasoo gabagabeyn doono kuraasta dhanka Puntland ku harsan.

Axadii shalay ayeey doorashada Puntland dib uga bilaabatey Garoowe, waxaana la doortey 9 mudane.

Maamullada Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa dhammeeyey doorashada xildhibaannada aqalka hoose, waxaana magaalada Muqdisho ka socota doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee gobollada Waqooyi (Somaliland)

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW