U bood dhigaalka

Puntland: Doorashada Aqalka Sare Oo Saaka Ka Bilaabmeysa Garowe

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wada in magalada Garowe ee xarunta dowlad gobaleedka Puntland ay ka bilaabato doorashada kuraasta Aqalka sare ee Puntland ku matali doona.

Xarunta golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa hadda ka soconaya diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada Aqalka sare.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa shalay shaaciyay in arbacada maanta ah la dooran doono dhamaan 11-kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka sare kadib markii uu liiska musharixiinta Aqalka sare uu soo magacaabay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, Haddii Eebbe Idmo”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil .

Goobjoog News