U bood dhigaalka

Puntland: Dowladda Federaalka Lug Bay Ku Leedahay Weerarkii Garacad Ee Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug lahayd weerar habeenkii xalay ahaa Al-shabaab ku qabsadeen deegaanka Garacad ee gobalka Mudug.

Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in markii Puntland ay diidday nidaamka 4.5 in loo soo abaabulayo deegaannadeeda falal amni darro iyo arbushaad waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan kasoo baxnay shirka xukuumadda Puntland ay qabatay, waxaan rabnaa dadweynaha reer  Puntland iyo umadda Soomaaliyeed wixii wanaag raba in shir saxaafadeedkan ugu sheegno arrimaha dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, Puntland muddo dheer waxay la dagaallameysay argagaxisada nooc walbo ha ahaatee, hadda waxaa naloo sheegay in koonfurta Soomaaliya uu kaga soo duulay urur argagaxiso ah oo magaciisa la yiraahdo Shabaab, waxay soo mareen Hoboyo iyo Xarardheere, waxaan oran karnaa arrintaa abaabulkeeda in dowladda Federaalka ah aanay ka madaxbanaaneen oo gacan ay ku leedahay kusoo duulitaanka Puntland” ayuu yiri wasiirka Amniga Puntland.

Sidoo kale wasiir Qarjab ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin in Puntland lagu soo abaabulo falal amniga ka dhan ah, waxaana uu ugu baaqay shacabka deegaannada Puntland inay arrinkaasi difaaceeda galaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waan ka xunnahay in Puntland markii ay diidday 4.5 oo aan sharci ahayn la yiraahdo markeeda carqalad hala geliyo, waxaan cadeynayaa in shacabka Puntland iyo dowaladooda ay arrintaasi ka howlgalayso cidna aanay tanaasul uga sameyneen in amnigeena suganno, shacabkana waxaan leeyahay nin walbo ha diyaar garoobo” ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Garacad ee gobalka Mudug, inkastoo maanta la sheegay in halkaasi ay isaga baxeen oo ay sii aadeen deegaanno kale oo Puntland ah.

Goobjoog News