U bood dhigaalka

Puntland : Dowladda Iran Waxay La’dahay Cid Kala Wareegta Maxaabiis Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Agaasimaha ka hor tagga burcad badeedda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir ayaa sheegey in dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirxiran dalka Iran, oo loo heysto hawlo burcad badeednimo la la’yahay cid kala wareegta dowladda dalkaasi.

“Iraan waxa ay raadineysaa cid kala wareegta, dowladda federaalkana codsigaasi kama aysan jawaabin, iyada ayaana hortaagan” ayuu yiri agaasimaha oo intaasi ku daray in Puntland ay leedahay xabsiyo ay ku dhameysan karaan muddada xarigga oga dhiman.

Illaa 32 dhalinyaro loo heysto burcad badeednimo ayaa ku xiran Iran, kuwaasi oo la doonayo in loosoo wareejiyo Soomaaliya.

Horey maxaabiis ayaa sidan oo kale looga soo wareejiyey dalal dhawr ah sida Kenya iyo jasiiradda Siishalis oo kale.

Goobjoog News