U bood dhigaalka

Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle Oo Soo Saari Doono Liiska Aqalka Sare Saacadaha Soo Socdo

Sheeko:Amniga

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa saacadaha soo socda la filaya in ay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare.

Maamuladan oo muddooyinkii u dambeyay ka caga jiidayay in ay shaaciyaan liiska musharixiinta ayaa la sheegay in ay salka ku hayso dib u dhacooda is qabqabsi weli ka dhax taagan beelaha kuraasta iska leh.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa la sheegay in illaa iyo galinka dambe ee maanta uu soo gudbiyo liiska musharixiinta Aqalka sare, xilli uu doonayo maamulkiisa in uu noqdo maamulki seddaxaad ee bilaaba doorashada Aqalka sare.

Deni ayaa sida la filayo liiska waxaa ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin miisaan ku dhex leh siyaasadda, iyadoo sida wararka ay sheegay inta badan ay soo noqon doonan Senatoradi hore.

Dhanka kale Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor ayaa 24-ka saac ee soo aaddan iyagana ku dhawaaqi doono liiskooda Aqalka sare.

Labadaan maamul ayaa qorshahu ahaa in ay soo gudbiyaan liiska Arbacadii la soo dhaafay balse aaney soo gudbin.

Madaxda ayaa la sheegay in ay weli caqabad kala kulmayaan beelaha ayna ku adkaatay in ay go’aan ka qaatan liiska laga sugayo, xilli musharixiin fara badan ay ku tartamayaan Aqalka sare.

Liisaska musharixiinta ee la soo saari doono ayaa maanta la filaya in ay ka maqnaadaan musharixiin waaweyn, xilli weli hardanka uu socdo.

Goobjoog News