U bood dhigaalka

Puntland: Guddiga Doorashada Oo Sheegay In Doorashooyinka u Joojinayaaan Dhaqaale La’aan Darteed

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada dabdan heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in ay macquul tahay inay hakiyaan howlaha doorashooyinka sababo la xiriira dhaqaale xumo jirta.

Guddoomiyaha guddigaasi Khaliif Aw Cali oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay iney jiraan caqabado dhanka dhaqaalaha ah oo guddigooda haysta, islamarkaana wuxuu tilmaamey haddii aan arintaasi degdeg lagu xalin ay keeni karto dib u dhac dhanka doorashada ah.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in ay hadda ay qaban doonaan doorashada Saddex Kursi oo aqalka hoose ah, haddii mudada ay socota doorashadaasi la xallin waayo cabashadooda dhanka dhaqaalaha ayuu tilmaamey iney ku qasban yihiin in doorashada ay hakiyaan.

“Wax la xalliyay oo arrintaasi ku saabsan ma jiraan, laakiin waxaan sheegi karaa inuu socdo wada hadal ku saabsan qaabkii loo xallin lahaa, haddii la xalliyo Labada maalin ee doorashada socoto waa Kheyr, haddii kalena waxaa inoo qorsheysan in annaga oo aan ku dhowaaqin doorashada joojinno, maxaa yeelay waxaa jirey nidaam loogu talogalay in wax lagu socodsiiyo, nidaamkaasi haddii uu shaqeyn waayo dee shaqaduna socon meyso” ayuu yiri guddoomiyaha.

Mar wax laga weydiiyey guddoomiye Khaliif Aw Cali in cabashadan dhaqaalaha ah uu ku egyahay guddigooda iyo in ay la qabaan guddiyada kale ee ka jira maamul goboleedyada ayuu sheegay in arrintaasi ay ka wada siman yihiin dhammaan guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleed.

“Runtii arrintaasi waxaan la xiriinay saaxiibadeenna kale, waxaan ka warqabnaa inaan arrintaasi isku mid ka nahay, ayna ahayn mid innaga gaar inoo ah, cid walbo oo ay haysato in loo garaabo waaye, waxaan u sheegeynaa dadka ay arrintaasi quseyso iney isha ku hayaan, waxan in ay jadwal lahayd, haddii arrintaan darteed doorashada u dhacdana mas’uuliyaddaasi iyaga ayaa qaadi doonaan”

Magaalooyinkaa Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar  iyo  Cadaado waxaa ka socda doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka dalka.

Goobjoog News