U bood dhigaalka

Puntland “Hadii Jiritaanka Puntland Iyo Shacabkeeda Qatar Loo Muujiyo Anagu Gacmaha Kama Laabanayno” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin cid walba oo isku dayday in ay kusoo xadgudubto, una arkaan in qatar ay ku yihiin jiritaanka shacabka iyo deegaanada Puntland.

Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalklacyo ee gobalka Mudug ayaa soo hadal qaaday arimo badan oo ku aadan Gal-mudug iyo sidoo kale qorshaha la doonayo in maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Waxa uu sheegay ugu horeen in Puntland ay diyaar u tahay xilli walba in ay dhaqan geliso heshiiskii 1993, islamarkaana ay shacabka wada degan gobalka Mudug ay ku noolaadaan si walaalnimo iyo is gacan qabsi.

Dujaana ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in deegaanada maamulka Puntland ka arimiyo ee Mudug lagu daro maamulka lagu wado Mudug iyo Gal-gaduud in loo sameeyo.

“Waxaan u cadeyneynaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, in puntland cid duulaan ay u tahay ama qatar ku tahay ma jirto, waxaad moodaa in lasoo dhaafay xilligii dagaalka ama Colaadda la’isku abaalmarin jiray, waxaa la joogaa xilligii dadka nabadda ka shaqey jiray lagu dooran jiray, waxaan ku baaqaynaa in la ixtiraamo heshiiskii 1993, reer Gal-mudug Nabadda ka shaqeeya ayeeynu leenahay” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland.

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa ka hadlay arinta ku aadan dhismaha maamulka Gobalada Gal-gaduud iyo Mudug, isaga oo sheegay in ay tahay arin yaab badan.

“Anaga ayaa gobaleysi bilawnay, Koonfurta Mudug iyo Cidii Gal-gaduud ka raacaysa waan soo dhaweyneenaa, laakiinse meelo mudug dad degan in la sheegto waa riyooyinkii hore, wax u suurta geli kara ma ahan, Cabdiqeybdiid iyo cid walba oo taagero siinaysa” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland ayaa sheegay in aysan xayiraad saarin garoonkii dhawaan magaalada Gaalkacyo uu ka hirgeliyay maamulka Gal-mudug, isaga oo tilmaamay in hadalada qar ay yihiin kuwo colaad hurin ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News