U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Puntland Ku Leeyihiin Gobalka Bari

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Bari ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay saaka waaberigi hore weerar ku qaaden saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin gobalka.

Kooxa hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen saldhigga ciidamada difaaca Puntland ee ku yaalla tuulada Af-uru ee gobalka bari.

Weerarka ayaa ku bilaawday madaafiic ay kooxdi weerarka soo qaadda ku dhufatay saldhigga ciidamada xilli ay ku sugnaayeen.

Ciidamada dowlad gobaleedka Puntland ayaa dhankooda iska caabiyay weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, wallo aysan faahfaahin ka bixin ciidamada.

Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weraraka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada difaaca Puntland ee ku yaalla tuulada Af-uru ee gobalka bari.

Goobjoog News