U bood dhigaalka

Puntland Iyo Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaal Saaka Ka Dhacay Tukaraq ee Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa saaka ka bilowday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ugu Horreyntii dowlad goboleedka Puntlnad ayaa war ka soo saartay dagaalka, qoraal loo qeybiyay warbaahinta waxaa ku jiray “Dawladda Puntland waxay u sheegaysaa ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in saaka arooryo abaaraha 5.30 subaxnimo ay marka kale Soomaaliland soo weerartay ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq.

Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in mas’uuliyada dagaalkaas uu qaadayo Maamulka Hargeysa oo ah duulaaan joogto ah, isla markaana Puntland ay difaacayso dalkeeda iyo dhulkeeda.

Dawladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabkeeda dhammaan gudo iyo dibad-ba in ay garab istaagaan ciidamadooda, isla markaana ilaashadaan sharaftooda iyo dawladnimadooda duulaanka lagu yahay.

Dawladda Puntland waxay u sheeegaysaa shacab-weynaha gobolka Sool inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda iyo karaamadooda ee duulaanka lagu yahay.

Dhinaca kale,  Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) ayaa oo la hadlay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in Maamulka Somaliya ee Puntland weerar lixdii subaxnimo ku soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland.

“ Saaka Abaaro lixdii Aroornimo ayaa  ciidamada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidamada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, mar naba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan . Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’idaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawlada Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen ayay Ciidamada Puntland saddex meelood weerar ka soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland.

Dagaalka Tukaraq waxaa uu socdaa mudda bil, waxaana labada dhinac iska indho-tireen baaqyo dowli ah oo ah in la joojiyo dagaalka iyo in la dhowro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Goobjoog News