U bood dhigaalka

Puntland: Mowqifkeena Waa In La Xalliyaa Arrimaha Dastuuriga iyo Sharciyadda

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ku taagan yihiin mowqifkooda ahaa in la xalliyo arrimaha Datuuriga ah iyo Sharciyadda, islamarkaana shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho waxa ay la tagi doonaan ay taasi tahay.

Afhayeenka maamulkaasi Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo u waramay Goobjoog News, isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay arki doonaan mowqifyada dowladda Federaalka iyo maamulka gobaleedyada, balse iyaga kooda uu cadyahay.

Waxa uu sheegay in horay ay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay u sheegeen 9 qodob oo uu tilmaamay inay ahaayeen kuwo ay u arkeen in xal badani ku jiro, sidoo kalena saxi doona kala dambeynta iyo dowladnimada.

“Annaga ka Puntland ahaan Mowqifkeena waa in la xalliyaa Arrimaha Dastuurka iyo Sharciyadda, horayna waan u sheegnay haddana waan u sheegi donnaa, waxaan kaloo arki donnaa Mowqifka dowlad gobaleedyada kale iyo sidoo kale dowladda Federaalka” ayuu yiri Afhayeenka.

Maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya shirka madasha wadatashiga doorashooyinka 2016-ka, waxaana ka qeybgalaya dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Goobjoog News