U bood dhigaalka

Puntland Oo Baaritaan Bilowday Markii La Soo Afjaray Dagaalkii Afurur

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in uu baaritaan ku bilaabay dagaalkii shalay ku dhinteen askarta badan ee Puntland, weeararka waxaa sheegtay Alshabaab.

Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa soo afjaray dagaalkii ka dhacay Khamiistii tuulada  Af urur ee deegaanka Galgala gobolka Bari.

Maamulka Puntland waxaa uu su’aalo badan ka keenay halka ay soo mareen Al-shabaab ka hor inta ay goobta weerarin, waxaa kale oo baaritaanka ku jira khasaaraha iyo wixii dhacay.

War saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay soo weerareen saldhiga, isla markaana ay iska caabiyeen Ciidamada Puntland.laakin sida la xaqiijiyay waxaa jira askar badan oo halkaasi ku dhimatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay isaga oo ballan-qaaday in dadkii dhintay loo aari doono.

Goobjoog News