U bood dhigaalka

Puntland Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Galgala, Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Bari, gaar ahaan buuraleyda Galgala ayaa ku waramaya in maamulka Puntland uu halkaasi geeyay ciidamo badan kuwaasi oo maanta lagu daabulayey halkaasi illaa gabal dhacii.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan ay si nabad ah ku tageen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen Buuraha Galgala, walibana buuraha ay gudaha usii galeen.

Saraakiisha hoggaaminayesa ciidankaan ayaa sheegay iney fulinayaan go’aankii madaxweyne Gaas ee ahaa in la qaado dagaal deegaannada Puntland looga saarayo Al-shabaab.

Buuraha Galgala waxaa ku xooggan dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana deegaannadaasi hadda ka socda howlgalka ciidanka Puntland.

Khamiistii dagaal u dhaxeeyay Puntland iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Af urur oo ka tirsan gobolka Bari, kuna dhow Galgala, waxaana dagaalkaasi khasaare xooggan uu kasoo gaaray cidanka Puntland.

Goobjoog News